Wararka

Wararka

Ogeysiis Muhiim ah oo ku socda Ummadad Somaaliyeed

Boqortooyadda Saxaafadda Soomaaliya/Boqortooyadda Warbaahinta Soomaaliya waxay Ummadda Soomaaliyeed ugu ogeysiinayaa inay tahay warbaahinta ugu weyn ee Afrika taasoo u ka shaqaysa danaha guud ee Ummadda gudaha dalka iyo dibaddaba.

Boqortooyadda Saxaafadda Soomaaliya/Boqortooyadda Warbaahinta Soomaaliya waa shirkad ku shaqaysa lacag la’aan taasoo ka shaqaynaysa inay Ummadda ka qabato shisheeyaha ku soo duulay dhaqankooda, Diintooda iyo kheyraadkooda Ilaahay ku mannaystay.

Annagu waxaan ixtiraamaynaa xoriyadda hadalka, saxaafadda, mana aqbalayno wax laaluush ah fadlan waxaa la joogaa wakhtigii aad joojin lahaydeen hub siinta iyo dhaqaalaha kuwa dembiilayaasha ah tan iyo 1991 ilaa iyo hadda.

Annaga waxaa si degdeg ah u soo tabbin doonaa dembiyadda ka geysanaysaan gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba.

Wixii war iyo qoraallo xaqiiqada taabanaya fadlan noogu soo dir ciwaankan emailkeena: Somalimediaempire@gmail.com

www.somalimediaempire.com/

WARARKA MAANTA Diseembar 28, 2016

Muqdisho Diseembar 28, 2016 Munaasabad casho sharafta ah oo ay soo agaasintay Marwada Madaxweynaha Qamar Cali Cumar oo lagu dhiiragalinayay tartankii Gabdhaha Kubada kuleyga Maamul goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Garoowe ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Casho sharafta oo ay ka qeybgalay Ururka Haweenka Qaranka, Kooxaha kubada Kuleyga Maamul goboleedyada, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, Maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale,ayaa waxaa ka hadlay
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa Gabdhaha Kubada koleyga u gudbisay fariin dhiiragalin oo ay siday Marwada Madaxweynaha.

“waxaan halkaan idingugu soo gudbinayaa hambalyada Marwo Qamar Cali Cumar, waxa ay idinku dhiiragalineysaa Sportiga iyo in aad soo celisaa magaca Soomaaliya”, ayay tiri Batuulo.

Sucaad Cabdullahi oo ka mid ahayd qaban qaabiyaashii tartankaan ayaa sharaxday sida ay ku timid qabsoomida tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha, waxayna tiri “waxaan ahaa maskaxii ka dambeysay barnaamijkaan, waxaan sameeyay marka aan arkay sida Gabdhaha ay u jecel yihiin Sportiga iyo sida ay ugu baahan yihiin caawin”.

Xildhibaan Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Barlamanka Federaalka ayaa bogaadisay in fagaaraha Ciyaaraha ay kusoo laabtaan Kabdhaha iyo in la horumariyo, waxayna tiri “waan dhiiragalinayaan in mar kale fagaarayaasha Sportiga lagu arko gabdhaha sidaasi awgeed waxaan ku baaqayaa in la horumariyo”.

Gabdhaha Kubada Koleyga Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay Koobka Ciyaarihii Gabdhaha Kubada Koleyga Maamul goboleedyada ee lagu qabtay Magaalada Garoowe, iyaga oo ka guuleystay Kooxdii ka socotay Hirshabeelle.

Muqdisho Diseembar 28, 2016 Wararka aanu ka helayno wariyaha Sonna ee nooga soo waramaya Goobtii lagu qabtay Munaasabadda dhaarinta Xidhibaanada labada aqal ee B.F ayaa sheegaya in la soo gabagabeeyay , waxaana kadib Xubnaha la dhaariyay doorteen Shir gudoonka ku meel gaarka ah ee labada aqal, waxaa loo doortay labada xildhibaan ee ugu da’da weyn Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.

Guddoomiyaha xilkiisa dhamaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ayaa munaasabada dhaarinta Xildhibaanada ka sheegay in wixii hada ka dambeeya shir-guddoonka ay la wareegayaan labada nin ee ugu da’da weyn ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore ayaa noqday Xildhibaanka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xuseen Raagge oo laga soo doortay Hirshabeelle ayaa isna noqday ninka ugu da’da weyn Xildhibaanada Aqalka sare.

Labada Xildhibaan ayaa si wada jir ah u shir-guddoomin doona labada Aqal ee Baarlamaanka, kuwaasoo soo magacaabi doona Guddiga doorashada Gudoomiyaasha labada aqal.

Si kastaba ha ahaatee Shir-guddoonaka cusub ee Labada aqal ayaa howsha la wareegi doona, inta laga soo dooranayo Guddoonka cusub ee labada Aqal.

Muqdisho Diseembar 28, 2016 Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii 9aad Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in habraaca loo marayo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay u taal Baarlamaanak cusub ee 10aad, isagoo meesha ka saaray soo jeedin ka timid Madasha Hoggaanka Qaran.

Xildhibaan Mahad Cawad ayaa sheegay in Madasha Wada-tashiga ay door muhiim soo qaadatay, balse wixii hada ka dmabeeya ay talada dalka uu la wareegay Baarlamaanka 10-aad.

“Wixii hada ka dambeeya Madasha talada dalka uma taal, Alle ka sokow Baarlamaanka 10aad ayaa dalkan ka taliya hada kaddib”ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlayay Munaasabadii dhaarinta Xildhibaanada cusub ee labada Aqal.

Mr Mahad oo ka hadlayay soo jeedinta Madasha ee ku aadanaa hanaanka loo marayo doorashada ayaa sheegay in Baarlamaanka uu ka doodi doono shuruucda doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka.

“Waxay Madashu soo jeediyay 20 Xildhibaan ay soo jeedinayaan Musharaxa Madaxweynaha iyo qarajka laga rabo oo ah 30, kun oo dollar, doorashadii 2012 Musharaxa Madaxweynaha waxaa laga qaadayay 10-kun dollar, Xildhibaankiiba wuxuu xaq u lahaa labo illaa saddex musharax inuu u saxiixi karo”ayuu yiri Mahad Cawad.

Muqdisho Diseembar 28, 2016 Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sharci darro ku tilmaamay inay jiraan wax la yiraah Aqalka Hoose, isagoo caddeeyay in Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay yihiin kuwa sharciga ah.

Isagoo jeedinayay Khudbadiisa u dambeeyay ee xil wareejinta Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada la doortay ay yihiin Golaha shacabka, waxaa uu ku baaqay wixii hada ka dambeeya lagu dhawaaqo golaha shacabka.

“Wax la yiraahdo Aqalka Hoose ma jiraan, waa Golaha shacabka, iyo Aqalka Sare, haloo sheego nimanka dhahaya Lower House”ayuu yiri Jawaari
Muqdisho Diseembar 28, 2016 War degdeg ah oo nasoo gaaray ayaa sheegaya in uu qarax xoogan ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Howlwadaag waxaana kasoo baxaya faah faahin dheeraad ah.
Qaraxa ayaa la sheegay in lagu soo xeray baabuur uu leeyahay ganacsade Soomaali ah inkastoo uu ka bad-baaday.
Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay Agagaarka Hotelka Waaheen Ama maalin Taajir Wax khasaare ah kama dhalan Qaraxaasi.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxa.

Maamulka Koonfur Galbeed Diseembar 28, 2016 Koonfur Galbeed ayaa beenisay in uu tanaasulay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in aysan dhici doonin in uu tanaasulo Madaxweyne Shariif.

Waxaa uu sheegay in uu ku yimid Shariif Xasan codka Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana uu diyaar u yahay in uu qabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa horay ugu cadaadisay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed in uu tanaasulo.

Waxaana la sheegaya in Shariif xasan uu diiday arintaasi ,islamarkaana uu wali ku adkeysanayo in uu yahay Musharax.

Hiiraan Diseembar 28, 2016 Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ah Ugaasyada ugu caansan gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay shacabka kunool Hiiraan in ay ka shaqeeyaan Nabadda.

Waxaa uu sheegay in dadka kunool gobolkaasi looga baahan yahay in ay gacmaha is qabsadaan si looga hortago dhibaatooyin ka imaan kara dagaalada ku saleysan Anooyinka Qabiil ee Inta badan ka dhaca Hiiraan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka kunool gobolkaasi laga rabo in ay ka fakaraan sidii bulshada reer Hiiraan ay nabad u wada heli lahaayeen.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa ka mid ah Hogaanka dhaqanka gobolka Hiiraan , waxaana inta badan ka dhaca gobolkaasi dagaallo ay ku dhintaan dad badan oo shacab ah

Muqdisho Diseembar 28, 2016 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo ku aadan furitaanka kala-fadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad u diray dhamaan xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay.

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo kamid ahaa Xildhibaanada maanta la dhaariyay ayaa ku baraarujiyay dhamaan Xildhibaanada in ay ka dhabeeyaan ballanta ay ka qaadeen Alle.

“Hamblayo ayaan u dirayaa dhamaan Xubnaha labada Gole ee maanta kala-fadhiga 1aad ku kulmay, Waxa aan u dhaaranay danta dalka, dadka, adkaynta dawladnimada iyo diinta; waa in aan la nimaadnaa ficilo ka tarjumaya rabitaanka dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dhaarinta labada Gole ay tahay horumar laga gaadhay dawlad Soomaaliyeed oo hanaqaadda.

“Furitaanka kala-fadhiga 1aad waxa ay ka dhigantahay horumar iyo bisayl siyaasadeed oo ay gaadheen dadka Soomaaliyeed maadaama Xildhibaanada laga soo doortay Dowlad Goboleedyada; Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan in aan yool ka dhigano horukac dhaqaale iyo mid amni oo dalku gaadhu”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada amniga, guddiyada doorashooyinka dadban ee heer fedeeral iyo heer dawlad goboleed, odayaasha dhaqanka, iyo ergooyinkii doorashada dadban ka qaybqaatay uga mahad celiyey sida fiican ee ay doorashooyinku si nabad ugu qabsoomeen.

—–DHAMAAD—–

 

Muqdisho Diseembar 28, 2016 Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa ugu hambalyeeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xilka ay la wareegeen Maanta iyo dhaarta ay u dhaarteen dalkooda hooyo, waxaana talaabadaasi uu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Soomaaliya.

Madaxweyne Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabada horumarka leh ee ay ku dhaqaaqeen Ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana gaba gaba ay tahay wadadii looga bixi lahaa kalaguurka, waxaana uu u rajeeyay baarlamaankani 10-aad in uu noqdo mid dadka iyo dalka ay u aayaan.

“Waxaan si kal iyo laab ah u soo dhoweynayaa guusha lagu tallaabsadey ee dhameystirka Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo baarlamaankani cusub oo noqonaya baarlamaankii 10-aad, waxaa la idiin ka sugaya ayaa ah ka dhabeynta dhaarta aad u dhaarateen dadka,dalkaiyo diinta, horumarinta iyo dejinta shuruucda dalka sida Ansixinta Dastuurka iyo afti u qaadistiisa oo muhiim noo ah, si dalka loo gaarsiiyo doorasho qof iyo codkiisa ah, sidoo kale waxaan u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan waaga cusub ee u baryey” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Ku ammaanay Baarlamaankii hore howshii baaxada laheyd ay soo qabteen waxaana hambalyo iyo bogaadin uu u jeediyay Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xilkasnimadii iyo waaya aragnimadii uu Ku soo hogaamiyay Baarlamaankaasi 9-aad.

 

Kuwayt Diseembar 28, 2016 Wafdiga uu hoggaaminayay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa gaaray Magaalada Kuweyt ee Dalka Kuweyt.

Wafdiga oo ay Magaalada Kuwait ku soo dhaweeyay Danjiraha Soomaaliya ee Dalkaasi ahna Hormuudka
Danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh iyo qaar kamid ah diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait, waxaana lagu wadaa in uu kaqeybgalo munaasabad lagu soo gunaanadayo tababar koox Xeer Ilaaliyeyaal Soomaaliyeed ah loogu soo xirayo Machadka Tababbarada Adeega Garsoorka ee Dalka Kuwait.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir ayaa la filayaa inuu kulamo howleed la qaadan doono dhiggiisa Dalka Kuwait iyo Agaasimaha Guud ee Machadka Tababarada Adeega Garsoorka ee Kuwait.

Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait oo haatan ah Hormuudka Danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amin Sheikh ayaa kaalin wanaagsan ka qaatay xiriirinta iyo dhiraandhirinta barnaamijyada Iskaashiga ah ee
Wasaaradda Caddaalada Kuwait ay u fidisay Garsoorka Soomaaliya.

Safarka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa la filayaa inuu qaadan doono muddo seddax cisho ah, markaa kadibna uu dalka dib ugu soo noqon doono.

WARARKA MAANTA Diseembar 25, 2016
Su’aasha maanta: Yaa doortay raggan iyo dumarkan huwan magacan Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ ? Balse waa maxay sababta ay ugu darsanayaan 18 xubnood oo aqalka sare ayagoo caasimadda Muqdisho waxba u qoondaynin? Mise Muqdisho waxaa laga baqayaa hal qabiil oo xoog ku qabsaday caasimadda Muqdisho inay wada qaataan xubnaha la siiyo? Shacabka Soomaaliyeed waa inau ogaadaan raggan iyo dumarkan ma matali karaan danta guud ahaaneed marka waa kuwaas ee iska ogaada si aynan berrito wax idinka weydiisan.

Muqdisho Diseembar 24, 2016 Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) oo kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 15 – 24 Disembar 2016-ka ayaa ahaa kulankii ugu waqtiga dheeraa, waxaana kulanka laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda Madasha ayaa isku raacay in 18 xubnood lagu kordhiyo Aqalka Sare, iyadoo maamul walba la siiyay min saddex xubnood.

Waxaa kaloo Madasha ay isla garteen in 11-kii kursi ee la laalay, dib loogu celiyo doorashadooda, halka 11 kalena la fasaxay.

Hadaba war mutiyeedka Madasha ka soo baxay halkan hoose ka akhriso:-

Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Hirshabeele, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo iyagu si gooni ah loo casumay si aay warbixin u siiyaan MHQ.

1. Ujeedada Kulanka.

1.1 Kullankani wuxuu daba socday kullankii madasha ee lagu qabtay magaalada Muqdiso, taarikhdu markay ahayd 7dii-8dii Disember, 2016, ujeedadiisuna tahay go’aan ka gaarista iyo dhameystiridda arrimaha ka harsan dooroshada dadban ee golaha sharci dejinta qaranka ee 2016ka.

1.2 Muddadii kulankan socday MHQ waxay la kulantay warbixinnona ka dhegeysatay hay’ado kala duwan oo ay ka mid yihiin Danjirayaasha iyo deeq bixiyeyaasha u fadhiya wadamooda Somalia ee uu hogaaminaayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, GFHDD oo uu hogaaminaayey guddomiyahooda, Mudane, Avv Cumar Maxamuud Cabdulle, Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo isna uu hoggaminaayey guddomiyaha guddiga, Mudane Abririzaq Barre Jamac.

1.3 MHQ waxa ay sidoo kale waqti siisay xallinta saami qaybsiga aqalka sare ee Barlamanka Soomaliyeed.

1.4 Muddadii uu kulanka socday MHQ waxa ay si qoto dheer uga hadashay wax ka qabadka abaaraha dalka soo food saarey.

2. Dhageysiga warbixinnada guddiyada loo xil saaray fullinta dooroshooyinka dadban.

2.1 Madasha waxay kulamo dhowr ah la yeelatay Guddiga Federalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ugana xog waramay heerka howlihiisa marayaan iyo natiijooyinka ka soo hoyday degaan doorashooyinka dalka oo dhan. Ka dib markii MHQ iyo GFHDD ay si qotto uga wada xaajoodeen arrimaha uu soo bandhigay guddiga islana meel dhigeen, madaxda madashu waxay ammaan iyo bogaadin u jeediyeen guddiga sida wacan uu u fuliyey xilkaan qarameed ee loo xil saaray iyadoo la ogsoon yahay in ay ku shaqaynaayeen daruufo aad u adag.

2.2 MHQ waxay guddiga ka codsatay in kuraasta dooroshooyinkooda dhimman yahiin in aay degdeg u soo afjaraan.

3. Dhageysiga warbaxinnada GXKHDD.

3.1 MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda aay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dheer isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.

3.2 Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.

3.3 MHQ iyo Guddiga waxay markaas ka dib wadajir uga baaraangdegeen nuxurka dacwooyinka 11 ka kursi guddigu dib u celiyey. Isu xogwaran ka dib Madashu:

a. Waxaa u soo ifbaxay xowliga degdegga ah ay ku socoto hirgelinta doorashada in dhageysiga iyo ka gungaaridda dacwadaha guddigu u helin muddo ku filan oo waqti xadidan lagu dhameystirayo;

b. Waxa soo ifbaxay in haddii Guddigu haysan lahaa xogta iyo macluumadka dheeriga ah ee lagu helay iswareysiga MHQ iyo guddigu is dhaafsadeen in go’aanka guddigu uu ka duwanaan lahaa midka ay hadda gaareen.

c. Waxaa si cad u muuqatay in marxaladda go’aan ka gaarista guddigu la tixgelenin xaaladaha amniga, siyaasadda ku xeernaa kursi kasta iyo duruufaha degaan-doorasho walba u gaarka ahaa.

d. Waxa iyana jirta in go’aanada iyo qaabka go’aan gaaridda guddiyada dooroshooyinka dadban ay ku kala duwan yihiin.

3.4 Haddaba, Madashu:

a. Ayaadoo tixgelisay macluumaadka dheeriga ah ee kor ku xusan haddii guddigu haysan lahaa u gaari lahaa go’aan ka duwan midka ay kursiga dib ugu celiyeen;

b. Garwaaqsatay in ay danta ku jirto in la yareeyo khilaaf iyo is qabqabsi hor leh ka dhalan kara ku noqoshada naatijada doorashada;

c. Tixgelisay daruufihii adkaa ee doorashada loo soo maray iyo in la dhowraariyo guuliha qaranka ka gaaray doorashooyinka 2016ka ee laga fuliyey dalka;

d. Fiiro gaar ah u yeelatay dhibaatada guud ee ku iman karta, dib u dhac iyo xasilooni darro ku timaada habsami u socodka dhameystiridda doorashooyinka qaran.

3.5 Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay

a. In kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka;

b. In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka;

c. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanaya in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli ka dhiman oo mid walba hor yaal.

4. Dib-u-eegista Qoondaynta kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

4.1 MHQ ayadoo tixgelineysa cabashada kasoo noqotay Maamullada Dawladaha Goboleed qaarkood iyo beelo aan horey aan uga mid noqono wax qaybsiga Aqalka Sare Madashu waxay guddoomisay in tirada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ahayd konton iyo affar (54) lagu kordhiyo sideed iyo toban (18) kursi oo sidaas tirada guud ee kuraasta Aqalka Sare noqoto toddobaatan 72 kursi.

4.2 Sideed iyo tabanka kursi la kordhiyey waxa si siman loogu kala daray Dawld-Goboleedyada waxaana loo qaybiyey sida soo socota:

Magaca———Tirada kuraasta hore—-Tirade kuraasta la kordhiyey—Wadarta
1. Somaliland——–11 kursi————–3 kursi————————-—14 kursi
2. Puntland———-11 kursi—————3 kursi————————-—14 kursi
3. Galmudug——–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi
4. Hirshabeelle—–8 kursi—————-3 kursi————————-—11 kursi
5. K/Galbeed——-8 kursi—————-3 kursi —————————-11 kursi
6. Jubbaland——-8 kursi—————-3 kursi————————-—-11 kursi

Wadart————–54——–————18—————-———————-72

4.3 Sidded iyo tabanka Kursi ee la kordhiyey waxaa soo magacabaya Madaxweynayaasha Dawladaha Goboleedyada, waxaana Xeer Madaxweyne ku soo saaraya Madaxweynaha Jumhuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha MHQ.

4.4 Madaxda Madasha Qaranku waxay soo dhoweynaysaa baaqa siyaasiyiinta iyo waxgaradka Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ee la xiriira in hay’adaha dawladda ee dhismaya 2016-2020 xil weyn iska saaraan oo mudnaanta koowaad la siiyo ka miro dhalinta wadahadalada u socda Soomaaliya iyo Soomaaliland, iyo in laga wada xaajoodo saami qaybsiga awoodaha siyaasadeed.

4.5 Saddaxda kursi ee loo kordhiyey Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaliland waxaa soo magacaabaya R/Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaliya oo la tashaday Odayaasha Dhaqanka Beelaha Samaroon, Ciise iyo Fiqi-Shinni.

4.6 Madaxweynayaash Dawladaha Goboleedyada iyo R/Wasaare ku-Xigeenkuba waa in ay xubnaha ay soo magacaabeen usoo gudbinaya Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu dambayn 28 Diseembar 2016.

4.7 Guddiga Heer Federaal ee Doorashooyinka Dadban iyo Guddiga Fulinta Doorashooada Xubnaha Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyiga Soomaaliya ee Somaaliland waxaa la faraya in ay si degdeg ah u dhammaystiraan ugu dambaym 30-ka Diseembar 2016.

5. Xilhaynta Guddiyada Doorashooyinka Dadban

5.1 Guddiyada Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal iyo Heer Dawlado Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo mudda xilhayntooda ku ekeyd 31.12.2016 waxaa xilhayntooda loo kordhiyey ilaa iyo inta ay kasoo gebageboobeyso kuraasta ka dhiman doorashoyinka Dadban ee Golaha Shacbiga iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

6. Xaaladda Abaaraha Dalka soo foodsaaray

6,1 MHQ waxay si qottadheer u darseen xaaladda abaaraha dalka soo foodsaaray oo durba dadka iyo duunyada saamaysay, loona baahan yahay in si degdeg ah loo abaabulo gurmad iyo ka hortagga abaaraha.

6.2 Deseembar 18, 2016 MHQ waxay hay’adaha dawladda ku hawl leh ka hortagga aafooyinka dabiiciga ka dhegeysatay warbixin ku saabsan xaaladaha iyo ilaa heerka ay abaartu dalka saamaysay. MHQ waxay haddiiba:

(a) Magacaaday oo dhistay Guddiga Farsamo oo loo xilsaaray Gurmadka iyo ka hortagga abaaraha oo si degdeg ah u hawlgala, xubnihiisuna ka koban: Xafiiska Madaxweynaha, Xafiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federalaynta, Xafiiska ka hortagga iyo Maareynta Masiibooyinka iyo xubno ka socda dhammaan maamul goboleedyada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federalka Somaliya.

(b) In Dowladda Federalka Somaliya iyo xubnaheeda dowlad goboleedyada ay hormuud ka noqdaan isku tashi ummadeed iyo in la abaabulo qaybaha kala duwan ee bulshada iyo qurba joogta Soomaaliyeed, si ay ugu gurmadaan walaalahooga abaartu saamaysay.

(c) Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha goboleed ee Xubin ka ah Federaalka Soomaaliya waxay wadajir 21-kii Deseembar 2016 baaq gurmad degdeg ah ugu jeediyeen dhammaan Danjirayaasha dalalkooda ku mattala Soomaaliya, dalalka aan walaalaha nahay, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Samafalka Caalamiga ahba laga codsaday inay in gurmad degdeg ah lasoo gaaraan gobollada dalka abaaruhu saameeyeen lasoo gaaraan kaalin muuqatana ka geystaan.

7. Munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

7.1 MHQ waxay go’aamisay in munaasabadda dhaarinta xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka la qabto maalinta talaadada 27 Diseembar 2016, taas oo ka dhici doonto Akademiyada Booliska Soomaaliyeed (Scuola Polizia).

1. Mahadcelin.

8.1 MHQ waxay mahadnaq u jeedineysa dhammaan Maamullada Dawladaha Goboleed ee xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya sida habsamida xilkasnimada leh ay Magaalo Madaxyadooda uga suurtogeliyeen una fuliyey qabashada doorashooyinka dadban ee 2016 si naba iyo xasilloni ku dheexan.

8,2 Waxay kaloo si gaar ah ugu mahad iyo bogaadin u jeedinayaan dhammaan xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Federaal, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiyada Doorashooyinka Heer Dawalad Goboleed sida wacan ay xilkooda qarameed u fuliyeen, hawlaha doorashooyinkana u maamuleed si mihnadyahannimo ku dheehan.

8.3 MHQ waxay gallad iyo qaddarin iyo mahadcelin gaar ah u jeedineysa dhammaan Ciidammada Qalabka-Sida sida hufan oo waddanimada ku dheehan ay amniga doorashooyinka qaranka u sugeen ayagoo weliba duruufo adag ku shaqaynayey. Waxay sidoo kale Madashu mahad iyo bogaadin u jeedineysa dadweynaha Soomaliya guud ahaan iyo odayaal dhaqameedka bulshada Soomaaliyeed iyo ergooyinka doorashooyinka dadban oo ka wakiilka ahaa dadweynaha soomaaliyeed.

8.4 Gunaanadkii, Madasho waxay Beesha Caalamka, oo uu hoggaaminaayey Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay M.ne Michael Keating, ugu mahadcelineysa taageerada joogtada ah iyo talooyinka siyaasadeed iyo farsamo oo ay had iyo jeer la garabtaagan yihiin Dawladda Soomaaliya.

Jowhar Diseembar 25, 2016 Kulan ay maanta Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Maamulka Hirshabeelle ay ku yeesheen Golaha Wakiilada Maamulka Hirshabelle ayey Mudo Labo Bilood ah ay waqtiga ugu kordhiyeen Madaxweynaha Maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble inuu soo dhiso Golaha Cusub Ee Wasiirada.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Mudadii hore ee Madaxweynaha ay u qabteen inuu ku soo dhiso Golaha Wasiiradda ay ka dhamaatay islamarkaana hadda la siiyay Fursad dhan Labo Bilood oo laga sugayo inuu ku soo dhiso Xukumad.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa horay u sheegay in soo dhisida Xukumaddiisa ay dib u dhigtay Doorashada Labada Aqal ee lagu qabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Muqdisho Diseembar 25, 2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa walaac daran ka muujiyay colaadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo 23kii Diseembar taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawacyada dad kale oo badan. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xurmeeyaan heshiiska xabbad-joojinta.

“Tan iyo markii ciidamada la kala qaaday 18kii bishii Nofembar, Guddiga Wadajirka ah ee hay’adaha maxalliga ah iyo odeyaasha ka socda Puntland iyo Galmudug wuxuu dadaal ku bixiyay sidii loo joogtayn lahaa xabbad-joojinta iyadoo loo marayo wadahadal. Kasokow dadaalkooda amaanta mudan,ismariwaaga ka taagan wadaxaajoodyada ku saabsan qaadista jidgooyooyinka ay dhigeen Puntland iyo Galmudug labadooduba, iyo furidda waddooyinka, ayaa khatar culus gelinaysa xabbad-joojinta. Waa in Puntland iyo Galmudug ay khilaafaadkooda ku xalliyaan si aan colaad lahayn, degdegna iskula meel dhigaan tallaabooyinkii lagu burburin lahaa jidgooyooyinka, dib loogu furi lahaa waddooyinka, ciidamadana dib ugu guran lahaayeen iyadoo aan lahayn dib u dhac dambe. Waa in baaritaan lagu sameeyaa carqalad kasta oo ka dhan ah
nabadda iyo xasiloonida”, ayaa lagu yiri War=saxaafadeedka.

Waa in hoosta laga xarriiqaa in xaaladda magaalada Gaalkacyo ka jirta ay dhalisay walaac bani’aadanimo oo daran. Waddooyinka oo weli xiran darteed, ayaa saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa dhanka woqooyi ee Gaalkacyo ku go’doonsanaa gawaarida xamuulka ee raashinka
gargaarka bani’aadanimo u sidday dadka ay abaartu saameysay iyo dadka u baahan gargaarka. Xaaladdan ayaa timid iyadoo ay jirto cunno yari sii kordheysa oo ka jirta goobaha ay sida caadiga ah gaaraan gargaarka bani’aadanimo iyo sahayda ganacsi ee loo marsiiyo Gaalkacyo. Horay uma dhicin in mid ka mid ah labada dhinac ay sahayda gargaarka bani’aadanimo u diido inuu gudbo, xitaa iyadoo ay dagaallo socdaan, ayaa labada dhinac ogolaadeen inuu gudbo gargaarka bani’aadanimo, iyagoo u hogaansamaya sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada.

Colaadaha sii socda waxay soo dedejin karaan barakac kale oo baahsan oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo. Dad lagu qiyaasay 90,000 ayaa ku barakacay dagaalladii bishii Oktoobar 2016, ku dhowaad 30,000 oo ah dadkii barakacay kuma soo noqon guryohoodii iyagoo ka cabsi qaba
dagaal soo cusboonaada. Iyadoo hay’adaha gargaarka bani’aadanimo ay sii wadaan u gurmadka baahida barakacayaasha iyo bulshada marti gelisay, ayaa loo baahanyahay in dhammaan dhinacyada arrintu khusayso ay dadaal kasta u sameeyaan sidii looga fogaan lahaa barakac kale oo sii murjin kara dhibaatada bani’aadanimo.

Ergeyga Gaarka ah Keating ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland inay muujiyaan dadaalkooda joogtada ah iyo hogaankooda ay ku baadi goobayaan xal nabadgelyo oo laga gaaro colaadda iyo in si degdeg ah xal loogu helo go’doominta si loo damaanad qaado bed-qabka iyo
isusocodka xorta ah ee shaqaalaha gargaarka iyo sahayda si ay awood ugu yeeshaan inay gaaraan dadka u baahan gargaar bani’aadanimo oo degdeg ah.

Cadaan Diseembar 25, 2016 Madaxweynaha Dalka Yaman Cabdi Rabbi Mansuur Al-Haaddi ayaa shalay warqadaha qoonsiga ka guddoonmay safiirka Soomaaliya ee dalka Yaman Cabdullaahi Xaashi Shuuriye oo si rasmi ah ugu shaqeyn doona Magaalada Cadan ee dalka Yaman oo ah caasimadda Kmg ah ee Dowladda dalkaasi.

Arrintaan ayaa waxa ay ka dambeysay markii Caasimadda Sanca ay qabsadeen kooxaha Xuutiyiinta ee la dagaallamaya dowladda, taasi oo keentay in diblumaasiyiintii ay isaga baxaan dalka Yaman.

Madaxweynaha Yaman waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay Go,aanka geesinimada leh ay diblumaasiyiinteeda ugu Rartay Magaalada Cadan, wuxuuna Dowladaha kale ugu baaqay in ay qaadaan Tallaabada Dowladda Soomaaliya oo kale.

Ruushka Diseembar 25, 2016 Diyaarad Millateri oo laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa la waayay, kadib markii ay ka kicintay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Sochi ee dalka Ruushka, markii uu lumay raadeerka Diyaaradaasi.

Wasaarada Difaaca dalka Ruushka, ayaa sheegay Diyaaradaha oo aheyd Namberkeeda Tu-154 ay saarnaayeen dad gaaraya 91 ruux oo isugu jira Saraakiil ciidan, Fanaaniin, Wariyeyaal.

Diyaarada ayaa qadkeeda la waayay, 20-daqiiqo kadib, markii ay ka duushay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Sochi.

Igor Konashenkov, oo ah Afhayeenka Wasaarada Difaacaa dalka Ruushka, ayaa sheegay diyaarada inay la socdeen Koox Baambeey ah oo ujeedkooda uu ahaa inay dalka Syria ugala qaybgalaan ciidanka Ruushka ee halkaasi ku sugan xuska sanadka cusub.

Muqdisho Diseembar 25, 2016 Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Damu-Jadiid Ibraahim Iidle Sulaymaan ayaa shaaciyay in garsoorayaasha ku sugan gobollada dalka ay muhiim tahay in lamideeyo isla markaana ay ka wada shaqeeyaan si bulshada ay u heli lahaayeen cadaalad iyo garsoor mideysan loogana Hortago isku dhacyo garsoorayaaha dhexdooda ah taas oo sahli doonta sida uu sheegay in uu sharcigu shaqeeyo.

Garyaqaan Ibraahin Iidle Suleymaan ayaa tilmaamay in kulankan lagu horumarinayo adeegga Garsoor loona baahan yahay in fikrado wanaagsan la is dhaafsado maadaama caasimadda iyo Gobolada dalka lagu maamulayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu hamuunqaba helidda Garsoor mideysan iyo cadaalad sharcigu ku dheehan yahay.

Khaatumo State Diseembar 25, 2016 Qudbad dheer uu jeediyay madaxweynaha khaatumo kana jeediyay shalay jaamacadda bariga afrika fara ceeda buuhoodle ugana hadlay qodobada shirkii adis go aanka khaatumo iyo arrimo kale. https://www.youtube.com/watch?v=_Zet8_TJlQU

Muqdisho Diseembar 25, 2016 Maamulka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caawa shaaciyeyxiliga rasmiga ah ee ay dhaceyso munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Golaha Shacabka.

Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa caawa shaaciyey in Munaasabadda furitaanka Baarlamaanka loo asteeyey in ay dhacdo maalinta Talaadada ah oo ay taariikhda ku beegan tahay 27ka December 2016, saacadda 09ka subaxnimo.

“si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay horey u soo qaataan kaararkooda aqoonsiga si ay ugu fududaato qabsoomidda munaasabadda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hada loosoo doortay ee loo asteeyey munaasabadda furitaanka in ay dhacdo 27ka December ayaa waxaa kulankooda ugu horeeya marka la dhaariyo kadib waxaa laga rabaa iney doortaan guddoonkooda KMGka ah sida uu Dastuurka dalku qabana waxaa noqon doono xubinta ugu da’da weyn ayadoo amrkaasina la go’aamin doono xiliga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo ah Guddoomiyaha iyo Ku Xigeennadiisa.

WARARKA MAANTA Diseembar 24, 2016
Su’aasha Maanta: Ummadda Soomaaliyeed waxay rabaan inay doortaan hoggaan cusub oo daacad u ah inuu dadka iyo dalka ka samatabixiyaan dhibka siyaasaddeed marka madaxy la tahay Ururka Argagixiadda ee Damu-Jadiid inay 4 sanno oo kale dadka been u sheegi karaan si ay u sii dhacaan hantida qaranka Soomaaliyeed? Soomaalida iyo beesha caalamkaba way diideen inau Ururka Damu-Jadiid dadka xoog ku sii haystaan! Khaa’inul waddan Damu-Jadiid Xassan Shiikh Maxamuud waan ku nacnacy ii na dhaaf daba-dhilifyahoow!

Muqdisho Diseembar 24, 2016 Madaxweynihii Hore ee maamulka Puntland Siyaasi Cabdiraxmaan Shiikh Maxamuud Faroole ahna hadda xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxda maamulka Puntland oo uu sheegay in ay ku fashilmeen badbaadinta shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.

Waxaa uu sheegay in xubno ka tirsan maamulka Puntland ay ka dambeeyeen dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen shacab iyo askar badan oo ka tirsan ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale xusay in madaxda maamulka Puntland ay cuuryaamiyeen dhaqaalihii shacabka kunool degaanada maamulka Puntland.

Waxaa uu xusay in dhaqaalihii Puntland kaga imaan jiray Koonfurta Soomaaliya ay joojiyeen Madax ka tirsan Puntland si ay u dhibaateeyaan shacabka.

Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in dhibaato badan ay Puntland ay faraha la gashay.

Dhowr jaho ayuu sheegay in dagaallo kala duwan looga soo qaaday Puntland.

Madaxda Puntland ayuu sheegay in ay xamar u joogaan si macno daro ah.
https://www.youtube.com/watch?v=bALbjWArVgU

Buuhoodle Diseembar 24, 2016 Waxaa Galabta Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda buuhoodle,Khudbad Cinwaankeedu Ahaa Mustaqbalka Soomaaliya Ka Jeediyay,Madaxwaynaha Maamulka Suuban Pro: Cali Khaliif Galaydh,

Iyadoo Ardayduna ay Su,aalo Kooban Waydiiyeen madaxweynah dawlada khaatumo mudane cali khaliif galaydh.
Puntland Diseembar 24, 2016 Madaxweyne ku xigeenka maamulka garoowe iyo xubno xildhibaano ah ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa muddo 21 cisho ah joogey magaalada Muqdishu ayagoo u joogay baadi goobka kuraas xildhibaano ah ay la wadaagaan beelaha gobolada Woqooyi kasoo jeeda iyadoo wararku sheegayaan in lagu qanciyey kulamo badan kadib in sida kaliya oo ay ku heli karaan xildhibaano tahay iyagoo kuraas dheeri la raadiya beelahaan taasoo qoraalkaan ku xusan. https://www.youtube.com/watch?v=76piOdSMmsw

Gaalkacyo Diseembar 24, 2016 Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa degan ka dib markii shalay uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxgaradka iyo sidoo kale culimada gobolka Mudug ayaa wadda dadaallo kala duwan oo looga hortagayo in xiisadaha maalmihii lasoo dhaafay kusoo kordhay Gaalkacyo ay sii xumaadaan.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay isku hor fadhiyaan Suuqa Weyn ee Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale Galbeedka Magaalada.

Guddiga Nabadeynta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa muuqata in ay ku fashilmeen in ay xal ka gaaraan dagaalada kusoo noqnoqday Magaalada Gaalkacyo.

Bishii September ee sanadkan ayay aheyd markii Maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku heshiiyeen Magaalada Gaalkacyo, kadib mudo bil ka badan oo Ciidamada labada dhinac ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo.

UNHCR Diseembar 24, 2016 Tirada dadka sida sharcidarada ah ugu tahriiba Yurub ee sanadkan badda Mediterranean-ka ku dhimatay ayaa gaartay 5,000 oo qof, taas oo ah tiradii ugu badneyd abid, sida ay Qaramada Midoobeey sheegtay.

Qiimeyntan ugu dambeysa ee ay shaaciyay hay’adda UNHCR, waxaa ka mid ah 100 qof oo ku dhimatay xilli ay saarnaayeen doon yar oo ku degtay xeebaha Taliyaaniga.

Xilligan oo badda ay cimilo ahaan xuntahay, tirada tahriibayaasha hoos ayey u dhacday, balse halista ay isgelinayaan ayaa ka badan.

Waxay raacaan doomo halis ah, si ay uga baxsadaan ciidamada oo aan loo xirin, taas ayaana ah farsamo cusub, sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda arrimaha qaxootiga ee UNHCR.

UN waxay dalalka Yurub ka dalbaneysaa in la sameeyo qaabab sharci ah, si loo badbaadiyo tahriibayaasha.

Afhayeenka, William Spindler, wuxuu sheegay in tirada dhimashada oo sare u kacday ay tahay digniin.

Wuxuu tilmaamay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen inay hal mar isla diraan kumannaan qof oo doomo kala duwan saaran, taas oo dhib ka dhigeysa samata bixinta.

Ku dhowaad, 360,000 oo qof ayaa sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub, badankoodana waxay gaareen Taliyaaniga iyo Giriigga, sida ay sheegtay hay’ada socdaalka caalamka ee IOM.

Dadka tahriibayaasha ah badankooda waxay ka gudbaan badda u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Taliyaaniga, ka dib markii la xiray dhanka Turiga iyo Giriigga, horraantii sanadkan.

Sanadkii hore ee 2015-kii, 3,800 oo qof ayaa ku dhimatay badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay IOM.

Muqdisho Diseembar 24, 2016 Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen beesha caalamka ayaa waxaa ka qeyb galaya guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo gudoomiyaha Racfaanka gobolka.

Kulanka oo loogu talo galay in uu socdo mudo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa talo wadaag ku saabsan qiimeynta baahida loo qabo in la helo tababar garsoor si loo hormariyo cadaaladda iyo arimaha garsoorka.Madaxda ka qeyb gashay kulanka ayaa ka qeyb galayaasha la wadaagay aqoontooda iyo halka uu marayo arimaha garsoorka dalka, iyagoo u sheegay ka qeyb galayaasha in wali lagu howlan yahay dhismaha iyo horumarinta hay’adaha garsoorka dalka

Geerigaab Diseembar 24, 2016 Magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in roobab xoogan oo sameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada in ay ka da’een Gobolka Sanaag.

Degaanada ay roobabku ka da’een ayaa waxaa la sheegaya in ay ka jireen abaaro ba’an.

Roobabka oo la sheegay in ay wateen dabeeylo ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 500 oo neef oo ari ah.

Roobabka ayaa ka da’ay dhanka Buurleyda ee gobolka Sanaag.

Qaar ka mid ah dadka Xoolo dhaqata ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoolo lagu qiyaasay 500 oo neef ay ku dhinteen roobabkaasi

Jarmalka Diseembar 24, 2016 Baaarayaasha dalka Jarmalka ayaa billaabay baaritaan ay ku sameynayaan in Anis Camri uu lahaa shabakad taageersan falkii uu sameeyay.

Ninkaasi oo lagu toogtay dalka Taliyaaniga ayaa weerar gaari uu u adeegsaday ku qaaday suuq ku yaalla Berlin Wuxuu u dhashay dalka Tunisia.

Saraakiisha dalkaasi waxay sidoo kale baarayaal sida Anis Camri uu uga baxsaday in la musaafuriyo.

Kanada Diseembar 24, 2016


Cali Cumar Adeer oo in ka badan 2 sanno ku xiran Xabsi ku yaalla dalka Kanada ayaa la sheegay in dacwadiisa la dhegeysan doono bisha October ee sannadka soo socda.

Eedeysanayaashaasi ayaa loo haystaa inay isaga iyo koox kale afduubteen Saxafiyad u dhalatay Kanada oo lagu magacaabo Amanda Lindhout iyo Sawir-qaade Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia.

Suxufiyiintaasi waxaa bishii August ee sannadkii 2008-dii laga qafaashay duleedka magaalladda Muqdisho, waxaana la si idaayey bishii November 25-dii ee sannadkii 2009-kii, markii la bixiyey Lacago madax-furasho ah.

Cali Cumar Adeer oo 39-jir ah waxa uu wajihi doonaa dacwad ku aadan doorka uu ka qaatay Afduubkaasi, isagoo isku sheegay inuu yahay Dhexdhexaadiye u kala dab qaaday Afduubayaasha iyo Eheladda Suxufiyiinta afduubnaa.

Eedeysanahaasi ayaa lagu soo qabtay Hawlgal qarsoodi ah oo ay Ciiddanka Kanada fuliyeen bishii June ee sannadkii hore, waxaana si qarsoodi ah loogu soo duuliyey caasimadda dalkaasi ee Ottawa.

Qareenka u doodaya Eedeysanaha oo lagu magacaabo Samiir Aadam ayaa ka gaabsaday inuu Saxaafadda la wadaago Kiiska loo haysto Eedeysanaha.

Dhinaca kale, Saxafiyadda Amanda Lindhout oo 35-jir ah waxaa aad looga iibsaday Buug ay ka qortay 460-maalmood ee afduubka loo haystay.

Shirkadda Filimadda sameysa ee Hollywood ayaa diyaarinayso Filim laga samaynayo Dhacdada Afduubkeed.

New York Diseembar 24, 2016 Kulan ay isugu yimaadeen 15 xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ka qabsoomay magaalada new York jimcadii shalay hayd, ayaa waxaa ay meel mariyeen qaraar sheegaya in maamulka Israel uu joojiyo deegaamenta cusub ee uu ka wado dhulka falastiin.

Qoraalka, golaha ammaanka ay isku raaceen ayaa waxaa soo gudbiyay dowlad Masar oo ka laabatay, markii Israel madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ay ka codsatay in uu fargeliyo, hase yeeshee waxaa qaraarka gudbiyay dowladaha, Malaysia, New Zealand, Senegal  iyo Venezuela.

14 wadan ayaa u codeysay qaraarka halka hal wadan uu ka aamusay,iyadoo dowladda Mareykanka ay diiday in ay codka diidmada qayaxan ee ‘Veto” u adeegsato qaraarkan.

Madaxweynaha, Falastiin Maxamuud Cabbaas, afhayeen u hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu dharbaaxo weyn ku yahay siyaasadda Israel.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa dhankiisa sheegay in qaraarkan uu ceeb ku yahay qaramada Midoobay, isagoo xusay in Israel aan u hogaansami doonin go’aankan.

Ku dhowaad 500,000 oo Yuhood ah ayaa waxaa ay ku nool yihiin 140 guri kuwaas oo la dhisay tan iyo 1967, wxayna ku yaalaan daanta galbeed iyo bariga magaalada barakeysan ee Qudus. Dhismiyaashaas ayaa waxaa ay yihiin kuwo sharci daro ah isla markaana si xoog ah ay ku qabsatay.

Israel, ayaa waxaa ay ku dhawaaqday in danjiriyaasheeda u fadhiya dalalka New Zealand iyo Senegal in ay u yeeraneyso si wada tashi ugu yeeshaan arintan, iyadoo sidoo kalena joojisay mashaariic ay ka waday wadanka  Senegal.

Hase ahaatee, Israel wax xiriir diblomaasi ah lama lahan dalalka Malaysia iyo Venezuela oo qaraarkan qeyb ka ahaa soo diyaarintiisa.

Muqdisho Diseembar 24, 2016 Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalka ayaa War Qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in go’aan ka gaarista qabsoomida Doorashada Aqalka Sare ee Beelaha Soomaaliland ay iyagu leeyihiin.

Waxaana Hadalka Guddigu yimid kadib markii Guddiga Doorashooyinka Soomaaliland doorashada Aqalka Sare sheegeen in maanta oo Sabti ah ay qabsoomeyso.

Halkaan ka Aqriso War Murtiyeedka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal:-

 

 

WARARKA MAANTA Diseembar 23, 2016

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laga codsaday in ay joojiso dhaarinta iyo waliba diiwaan gelinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

In ka badan 40 Musharax oo u taagnaa xildhibanimada Aqalka Hoose, balse guuldareystay ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Dalka, waxaana ay sheegeen in kuraastooda la musuq maasuqay.

C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Qareenada u doodaya Musharaxiintan ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadda Sare ee Dalka ay ka codsadeen in ay joojiso dhaarinta xildhibaanada cusub, si kuraasta la musuq maasuqay xal looga gaaro.

Sidoo kale C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay arrintan in ay la socodsiiyeen Guddiga Xalinta Khilaafaadka Dadban ee Dalka, si wax looga qabto.

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada ayaa maalmihii u dambeeyay waxa ay ku soo qul qulayeen Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Munaasabada dhaarinta

Maamulka Puntland ayaa si adag kaga jawaabay Hadaka ka soo yeeray Ha’yada Culumada Soomaaliyeed kaa oo ku aadanaa tartan u dahxeeya gabdhaha Baaskid boolka kana socoda Maamul goboleedyada kaa oo ka furmay Magaalada Garowe.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo waraysi gaar ah siinayey Idaacadda BBC ayaa kahadlay ciyaaraha kubadda kolayga ee gabdhaha maamulada dalka uga furmay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Faraweyne oo u ka jawaabayey su’aal ay culimadu ka keeneen tartankaani ayaa waxa uu sheegay in dowladda Puntland ay wakiil katahay shacabkeeda, islamarkaana ay ilaalinayso diinta Islaamka iyo dastuurkeeda diinta Islaamku saldhiggu u tahay, aysana cidna kala tashanayn wixii horumar ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in gabdhaha Garoowe tartanku uga furmay ay lamid yihiin kuwa dunida Islaamka aysana qaawanayn ee ay asturan yihiin, islamarkaana aysan haboonayn in laysku mashquuliyo.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in culimada looga baahan yahay in ay ka hadlaan tartamada noocaan oo kale ah ee lagu qabto magaalada Muqdisho iyo falalka kale ee ammaan xumo ee kasocda


Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga magaalada Muqdisho, ayaa xalay kulan caasho sharaf ah ugu sameeyey magaalada Muqdhiso Xildhibaanada labada Aqal ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinaayey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Mas’uuliyiin ka mida goloyaasha Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale masuuliyin ka tirsan Dowladda Federaalka.

Ugu horayn Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa cashada kadib la dar-daarmay xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha shacab ka ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu ku booriyey masuuliyada saaran iyo shaqooyinka baaxada leh ee shacabkoodu ka sugayaan.
‘’waa xaqiiq waxa idin soo doortay shacabkinii waxaana ay idiin soo doorteen inaad ka shaqaysaan wax walba oo dan u ah horumarkooda, taana waxaad ku gaari kartaan idinkoo markasta xasuus naada masuuliyada iyo shaqada baaxada leh ee laydin ka sugayo, soomaaliya maanta waxay u baahan tahay wax sare uga qaada maanta halka ay joogto cida taa laga sugayaana waa idinka, Puntland feker kedii ahaa in maamul goboleed yada wax lagu soo doorto kumay khasaarin waayo maanta midhihii ka soo baxay waa idinka, waxan aamin sanahay inaad tihiin dad ka soo bixi kara masuliyada laydiin igmaday, waxaana idinkula dar-daarmayaa inaad markasta ka shaqaysaan masiirka ummadda Soomaliyeed, waxaana ilalahay idiin waydiinayna inuu idin ku asturo masuuliyada laydiin igmaday’’ ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynu ku adkeeyey xildhibaanada inay markasta ka feejignaadaan wax kasta oo carqaladayn kara jiritaanka Dowladd nimo Soomaliyeed, isla markaana ay ahaadaan kuwo ka shaqeeya maslaxadda guud ee dalka Soomaaliya iyo tan Puntland ee ku dhisan horumarka iyo Soomaali jecaylka.

Ugu dambayn, Ugu dambayn,Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas waxa uu kula dar-daarmay xubnaha Aqalka Sare iyo kuwa golaha shacabka ee Puntland u metelaya Baarlamaanka Soomaaliya in ay ahaadaan kuwo tusaale wanaagsan u noqda guud ahaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Culimada Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka digeen Tartanka Kubbada Kolleyga Gabdhaha ee shalay ka furmay Magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Qaar ka mid ah Culimada Maamulka Puntland oo shalay kulan ku yeeshay Magaalada Garowe ayaa waxa ay ka digeen Tartanka Kolleyga Gabdhaha ee shalay ka furmay Magaalada Garowe.

Waxa ay sheegeen in xaaraan ay tahay marka loo fiiriyo Diinta Islaamka, Gabdho Muslimiin ah oo laga kala keenay Gobolada Dalka in ay ku hor ordaan meel dhalinyaro badan ay isugu imaanayaan, iyaga oo aan wadan dhar jirkooda asturaya.

Culimada ku nool Puntland ayaa waxa ay Maamulka Puntland ka codsadeen in gabi ahaan la kansalo Tartanka Garowe, sida uu sheegay Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax.

Tartanka Kubadda Kolleyga ee shalay ka furmay Magaalada Garowe ayaa waxaa ka qeyb galaya Maamulka Gobolka Banaadir, Puntland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbland.

Booliska Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in dhowaan ay soo bandhigi doonaan dad dilal ka geystay Magaalada Hargeysa maalmihii la soo dhaafay.

Afhayeenka Booliska Maamulka Somaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgalada ay wadaan.

Waxa uu sheegay Howlgalada ay wadaan ujeedkooda in uu yahay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dadkii dhowaan dilka u geystay qaar ka mid ah dadka ku jira Axsaabta siyaasadeed ee ka jira Maamulka Somaliland.

Sidoo kale Gaashaanle Sare Feysal Xiis ayaa waxa uu sheegay dhowaan in warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan dambiilayaasha, dilalka geystay.

Ugu damberyntii Afhayeenka Booliska Maamulka Somaliland Gaashaanle Sare Feysal Xiis ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shqeeyaan Ciidamada Amaanka, si looga hortago falalka Amni daro

Wararka ka imaanada Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Xalay Qaraxyo lagu weeraray Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Baardheere ayaa sheegay in Qaraxyada lagu Weeraray Ciidanka ay ahaayeen Bambooyinka gacanta laga tuuro islamarkaana aysan jirin wax Khasaare ah oo ay geysteen sida ay haddalka u dhigeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Saakay Baaritaano ka wada Magaalada Baardheere,kuwaas oo baaraya Gaadiidka,Dadka iyo Guryaha Magaalada ku yaalla.

Booliska Wadanka Jarmalka ayaa baadi goobaya iyo raadin ba’an ku haya Nin dhalashadiisu tahay Tunisia kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerarkii Isniintii ka dhacay Suuq ku yaalla Berlin oo lagu iibinayay qalabka Ciidda Masiixiiga.

Booliska ayaa soo bandhigay sawirtka iyo magaca Ninkaasi, waxaana lagu sheegay magaciisa Anis Amri, waxayna Boolisku balanqaadeen abaalmarin dhan 100-kun oo Euro oo la siinayo ciddi soo sheegta meeshu joogo, waxaana si weyn looga baadi goobayaa dhammaan Waddmada reer Yurub.

Wararka laga helayo arrinta Ninkaasi ayaa sheegaya in uu ahaa Nin loo diiday in la siiyo magangalyo, waxaana falka uu ku kacay sheegtay Ururka isku magcaaba Daweladda Islaamiga ee ISIS.
Weerarkaasi ayaa walaac iyo walbahaar ku abuuray, islamarkaana si weyn u saameeyay Muhaajiriinta iyo Qaxootiga faraha badan ee Wadankaasi soo galay.

WARARKA MAANTA Diseembar 22, 2016
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya S/Gaas Max’ed Sheikh Xasan Xaamud ayaa war wanaagsan dhegta ugu sheegay Xasan Sheikh Maxamuud oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia. Generaal Xaamud ayaa u sheegay Xasan Sheikh inuu ku tashto codka seddex Sarkaal Boolis oo hada ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan la soo doortay.
Dib u dhac ayaa markii afaraad ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka ee horay loo qorsheeyay inay dhacdo 22-ka bisha December oo maanta ku beegneyd, iyadoo wali uu isa sii gurayo jadwalkii aan fadhin ee horaantii bishan ka soo baxay Madasha Wada-tashiga Qaran.

Dib u dhaca ayaa ka soo bilowday 15-kii bishan, markii lagu balansanaa munaasabadii dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ay u baaqatay arrimo kala duwan.

Inta badan Xildhibaanada labada aqal ayaa ku sugan Muqdisho, kuwaasoo qaarkood qaatay kaararkooda aqoonsiga iyo shahaadada, sidoo kale kuwa kale ayaa qaadan, kuwaasoo kuraastooda ay muran ka taagan yihiin, isla markaana la laalay natiijada doorashadooda.

Jadwalka doorashada Madaxweynaha oo ku beegan 28-ka bishan ayaa isagana laga yaabaa inay dib u dhacdo, maadaama maalmo naga xigaan, waxaana Muqdisho ka socda shir ay leeyihiin Madasha oo ay uga hadlayaan sidii waqti rasmi ah oo ku aadan doorashada ugu dhawaaqi lahaayeen.

Doorashada Soomaaliya ee qorshaheeda ahaa sanadkan 2016 ayaa laga yaabaa inay isu bedesho doorashada 2017, maadaama maalmo kooban ay ka harsan yihiin sanadka cusub, waxaana la filayaa in doorashada la qabto horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2017.

Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay Tartanka Ciyaaraha Kubadda Kolayga Gabdhaha ee maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Tartankan oo ay ka qeyb galayaan Gabdhaha shanta xarumaha maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir ayaa ah tartankii u horeeyay ee gabdhaha kubadda koleyga gobolada loo qabto.

Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay Tartankan loo qabanayo gabdhaha, isagoo xusay inuu ka hor-imaanayaan dhaqanka iyo Diinta Islaamka.

“Waxaa ka digeynaa ciyaaraha gabdhaha ee gabdhaha loo qabanayo, ma ahan wax ay diinta islaamka ogoshahay, dhaqan ahaan iyo diin ahaan saameyn ayay keeni kartaa, in Gabdho dhar isboortis qaba oo bood boodaya, in isha lala raaco ama rag ajaaniib ay daawadaan ma ahan wax diinta qabto, waa wax xishoodka ka hor imaanaya”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Bashiir ayaa tartankan ku tilmaamay inuu yahay macaasi, isla markaana ay dhibaato keeni karto, isagoo intaa ku daray in ka culumo ahaan ay ka digeynaa.

“Arrintaas waxay keeni kartaa halaag iyo dhibaato, waa macaasi la isku imaanayo, halaag iyo dhibaato bey keeni kartaa”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Tartanka Ciyaaraha Kubadda Koleyga Gabdhaha ee maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya Garowe ayaa waxaa lagu furi doonaa Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Hirshabeelle iyo Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir.

Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa walaac ka muujiyay duruufaha adag ee heysta shaqaalaha rayidka ee dowladda iyo ciidamada Soomaaliyeed oo aan muddo helin mushaarkii ay noloshooda ku maareyn lahaayeen.

War saxaafadeed uu soo saaray Musharax Jabriil oo loo qeybiyay Warbaahinta qeybaheeda kala duwan ayuu kaga hadlay xaalada dalka, doorashooyinka, isagoo xusay in duruufaha adag ee looga gudbayo doorashooyinka 2016 ay saameyn ku yeelan karaan hanaanka dowladnimada mustaqbalka.

“Ciidamada dowladda mushaar ma qaadan sideed (8) billod oo ka mid ah sanadkan dhamaadka ah iyo afar (4) bilood oo sandkii hore ka mid ah, sidoo kale saraakiisha ciidanka afar (4) bilood oo sanadkii hore iyo shan (5) bilood oo sanadkan  ah mushaar la’aan ayey ahaayeen halka xildhibaannada iyo shaqaalaha rayidka aan mushaar la siinin in ka badan lix bilood, taas oo keentay qaarkood in ay iska bixin waayaan kirada guryahii ay ku noolaayeen caruutoodiina ay u heli waayeen qarash ay ku baahi tiraan”ayuu yiri Musharax Jabriil

Waxaa uu sheegay inay ayaan darro tahay in ciidamadii la soo tababarey markii ay basaaseen ay goosteen in ay suuqa u shaqa tagaan si noloshooda ay u mareeyaan. Waa nasiib daro iyo wax laga murugoodo ah in laga xishoon waayo xuquuqdii shaqaalaha rayidka ah ee dowlada iyo ciidamadii amaanka sugayey.

“Waxaa nasiib xumo ah in Shaqaalaha rayidka ah ee dowladdu ayan waqti dheer mushaar iyo gunno toona ayan qaadan, waxaa muuqata in xaquuqdoodii shaqaalaha  loo adeegsaday in lagu fuliyo dano gaar ah”ayuu yiri Mr Jabriil

Musharax  Jabriil ayaa hadalkiisa sii raaciyay “iyada oo xaquudii shaqaalaha maqantahay ayaa hadana mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka waxa ay lacago fara badan oo laaluush ah ku bixinayaan sidii ay mar kale xafiiska ugu soo laaban lahaayeen, Tani waxa ay keeni doontaa cawaaqib xumo iyo burbur ku yimaad dowladanimda Soomaaliya”

“Iyadoo duruufahaas ay jiraan waxaa ka xunahay in xilliga doorashada ay maalin walba ay dib u sii dhacdo, isla markaana ilaa hadda aan la ogeeyn xilliga rasmiga ah ee ay dhacayaan doorashooyinka madaxtinimda Soomaaliya, mar kastana la sameeyo waqti aan caqli gal aan aheyn oo umadda lagu madadaalinayo”ayuu yiri Jibriil.

Ugu dambeyn waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah loo bixiyo mushaarka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, lagana hortago isticmaalka hantida qaranka ee loo isticmaalayo doorashooyinka, bixin la’aanta mushaaraadka shaqaalaha, faarujinta qasnadda, isla markaana ay culeys ku keeni doonto taaba galinta howlaha dowladda cusub ee dhowaan la dooran doono, waxaa uu kaloo ka digay in fara gelinta laga daayo cabashooyinka ay soo jeedinayaan dadka la xaqdarey ee xuquuqdooda lagu tuntey.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa si horudhac ah waxa uu u xaqiijiyey guushiisa kadib markii uu helay codad uu ku kalsoonaan karo.

Hadda jawaawi waxa uu haystaa 160 cod oo aan shaki uga jirin, isaga oo doonaya in mar kale uu noqdo guddoomiyaha baarlamanka Soomaaaliya Afarta Sano ee soo socota.

Xogta waxay sheegeysaa in xildhibaannada ugu badan ee codka uu ka haysto Jawaari ay tahay Hirshabelle, Galmudug iyo qeyb kamid ah Puntland, waxaana laga yaabaa in qaar kale oo Koonfur Galbeed ah ku jiraan.

Shariif Xasan ayaa wadey qorshe uu Jawaari uga hor istaagayo inuu mar kale noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Afarta Sano ee soo socota.

Sidoo kale waxaa socday loolan xooggan oo arrintaasi ku saabsan, iyadoo shariifka uu isku dayey in Jawaari uu ka tanaasulo musharraxnimadiisa balse taasi ma aaney dhicin.

Kadib markii uu galabta soo gaba gaboobay shirkii wada xaajoodka maamulka Khaatumo iyo Soomaliland isla markaana laga soo saaray war murtiyeed 11 qodob ka kooban,ayaa waxaa intaas kadib ka hadlay Prof Cali Ciise Cabdi oo guud mar ku sameyey qodobadii kasoo baxay shirka.

Muqdisho Diseembar 22, 2016

Muqdisho(SONNA)–Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kormmeer ku tegay Taliska Ciidan Ilaalinta Deeganka Dowlada Hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha waxa uu halkaasi kula kulmay Saraakisha iyo Ciidanka ilaalinta Deeganka, isagoo ka wareystay xaalada Ciidanka iyo Baahiyaha ay qabaan waxa uuna Gudoomiyaha ku bogaadiyay Shaqooyinka ay u haayan Dowlada Hoose iyo Bulshada Reer Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa ku amaanay Ciidanka Ilaalinta Deeganka ee Dowlada Hoose Xamar shaqooyinka adag ay Magaalada Muqdisho ka haayan.

Guddoomiye Kuxigeenka arrimaha siyaasada iyo Amniga ee Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo isna goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir uu dhiira- galinayo dhismaha Ciidanka Ilaalinta Deeganka Xamar.

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegan ee Dowlada hoose Xamar ahna Taliye Xigeenka Ciidanka Ilaalinta G/Sare Axmed Xuseen Mahdi ayaa Duqa Magaalada Muqdisho ugu mahad celiyay dhiira- galinta iyo garab istaaga uu la garab taagan yahay Ciidanka Ilaalinta Deeganka ee Xamar.

Garoowe Diseembar 22, 2016 Wafdigan waxaa Hogaaminayay wasiirku xigeenka qorshaynta iyoiskaashiga caalamiga ah ee dowladafederaalka ah ee Soomaaliya C/laahi Shiikh Cali Qalocow waxaana safarkiisa qayb ka mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyadoona Garoonka diyaaradaha ee Konoco ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin katirsan Puntland oo uu ugu Horeeeyo wasiiru dowlaha qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ag ee Puntland .

Imaatinka wafdiga kadib waxaa u jeedada safarkooda faahfaahin ka siiyay warbaahinta qaranka agaasimekuxigeenka iskaashiga caalamiga ah Maxamed Daahir Faarax xusayna inay wadaan wadatashiyo Guud oo maamul Gobaledyada dalka oo idil ah.

Maxamed Daahir Faarax ayaa sheegay in wadatashiyadan guud kadib qorshahan laxiriira habkii loo maamuli lahaa mashaariicda kaladuwan ee Midowga Yurub lahirgalin doono horaanta sanadkanCusub ee soosocda.

Maalinimada barito ah ayaa lagu wadaa in uu magaaladaGaroowe kafurmo shirkan looga hadlayo qorshaha qaran ee maamulida mashaariicda ka timaada Midowga Yurub waxaana ka soo qayb Galidoona wasaaradaha Kala duwan ee Puntland .

  qorshah-1 qorshah-4

Diseembar 12, 2016 December 21(Jowhar)  Qoraal ay si wada jir ah usoo saareen dhinacyada Beesha Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay,Midowga Yurub,Urur goboleedka IGAD,Ethiopia, Italy, Sweden, United Kingdom iyo Maraykanka ayey baaq ugu jeediyeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran in ay qabtaan doorasho ku fadhida daah furnaan, La-xisaabtan iyo sharci.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka, iyo toosh ku iftiiminta wararka la xariira in wax isdaba marin qatar ah oo dhacdey intii lagu guda jirey hanaanka doorashada, sida iyadoo la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo iyadoo lagu tagri-faley ergada lasoo qorey laguna guul dareystey in loo hoggaansamo sidii loo baahnaa in loo raaco hanaanka qoondada kuraasta dumarka.

Beesha Caalamka ayaa codsanaysa in sharaxaad laga bixiyo sida 24 kursi oo markii hore la galiyey in dib u eegis lagu sameeyo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ugu soo koobeen oo kaliya 11.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay mas’uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigto Xaqiiqda ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta doorashada.

Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta Qaliifaadka in Aragtida, iyo qotada kala aragti duwaanshiyahooda aanan la daah-rogin ay noqonayaan kuwa Saldhig u noqda go’aanka gaarista natjiiada doorashada ee waxba kama jiraan lagu tilmaamey ee dib loogu noqonayo.

WARARKA MAANTA Diseembar 11, 2016
Istanbul Diseembar 11, 2016 Labo qarax oo ka dhacay bartamaha magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga ayaa waxaa ku naf waayay 29 qof oo u badan ciidamo ka tirsan booliska dalkaasi.
In kabadan 160 qof oo kale ayaa qaraxyadaasi ku dhaawacantay.
Qaraxa ugu horreeyay ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday bas ay wateen ciidamada booliska ka hortagga rabshadaha oo yiilay bannaanka kore ee garoon kubadda cagta lagu cayaaro, waxa uuna dhacay saacad uun kaddib markii halkaa lagu soo gaba-gabeeyay cayaar.
Daqiiqado kaddib qarax kale oo ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay goob ka ag dhow garoonka oo baabuurta la dhigto.
Rasaas ayaa dhacday kaddib markii uu dhacay qaraxa labaad.
Wasiirka arrimaha gudaha dalkaasi ayaa sheegay in toban qof loo soo xiray qaraxyadaasi.UK Diseembar 11, 2016 Qaramada Midoobey ayaa walaac xoogan ka muujisay abaaraha ka jira Soomaaliya .Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegay in abaaraha Soomaaliya ay saameeyeen dad u badan caruur oo ku sugan Soomaaliya.Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya oo sheegtay in ay la ildaran yihiin dad gaaraaya 1.2 Million oo qof oo isku jira caruur iyo haween.OCHA ayaa sheegay in lixdii bilood ee la soo dhaafay ay  jirtay  in boqolkiiba 20  ay korortay  tirada dadka ka cabanaya  cunto la’aanta aadka u daran taasina ay sabab u tahay abaaraha baahsan ee ka jira Soomaaliya.Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ay ku haysato Soomaaliya , loona baahan in wax laga qabto arintaasi.Sida ay sheegayaan qiyaasaha, ku dhowaad 320,000 kun oo carruur  ah  ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan cuduro kala duwan oo ay sababtay abaarta ka jirta Soomaaliya iyadoona 50,000 kun   oo ka mid ah ay la ildaran yihiin Nafaqo daran ba’anUgu dambeyntii Qaramada Midoobey ayaa codsatay in wax laga qabto abaaraha Soomaaliya , islamarkaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.UK Diseembar 11, 2016 Dowladda UK ayaa shaacisay in ay safiir cusub ay u soo magacowday Soomaaliya , kaasoo badeli doona safiirkii hore ee dowladda UK u joogay Soomaaliya.

Safiirka cusub oo kasoo shaqeeyay dalal dhowr  ah oo dunida ku yaal , islamarkaana ah siyaasi si weyn looga yaqaano dalka Ingiriiska ayaa badali doona safiirkii horay dowladda Ingiriiska u qaabilsanayd Soomaaliya Harriet Mathews.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Soomaaliya loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa  bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

Garoowe Diseembar 11, 2016 Ku Simaha Xafiiska Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay dagaaladii ka dhacay Gaalkacyo iney dib ugu soo laabtaan Magaalada.

Ra’isal Wasaaraha aya sheegay in la xaliyay Colaadii ka taagneyd Gaalkacyo, sida uu sheegayna Shacabka loogu baahan yahay iney dib ugu soo laabtaan Magaaladaasi.

Waxa uu sheegay in Xukuumada Soomaaliya ay Maanta guul u tahay in Magaalada Gaalkacyo laga saaro Ciidankii isku hor fadhiyay ee dagaalka ka dhaxeeya.

Waxa uu sheegay in shacabka ku kala nool deegaanada Galmudug iyo Puntland ay yihiin dad walaalo ah isla markaana aysan habooneyn in mar kale lagu kor dagaalamo.

Garoowe Diseembar 11, 2016 waxa hoolka jaamacadda Bariga Afrika ku sugan hada musharixiinta u tar tamaya Aqalka Hoose iyo Ergooyinka dooranaya xildhibaanada fadarlka soomaliya.

iyadoona ay kur saanta ugu horeeya ay ku tar tamayaan musharixiintan kala ah ,

1 Saadiq Warfaa waxaa ku guulaystay Saadiq Warfaa asagoo noqday xildhibaan kamid ah xildhibaanada cusub ee baarlamaanka cusub.
2 duraan Axmed Faarax
3 faarax C/risaaq Cumar
4 C/raxmaan Jamac Sharaxle

Warbaahinya Sbc ayaad si toos ah u soo gudninaysa doorshada ka socota magaalada Garowe ee casimada Puntland.

Muqdisho Diseembar 11, 2016 Ra’iisal Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa,waxaana la tilmaamayaa in lala beegsaday Irida Dekedda weyn ee Muqdisho,Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac  sida uu sheegay Wariyaha Sbc ee jooga Muqdisho,walow aan la ogeen tirada saxda ah ee ku waxyeeloowday.

Rasaas ayaa la maqlay Qaraxa kadib,Xiliga Qaraxu dhacayey ayaa ahayd waqti saxmad badan oo dad bada oo usoo shaqo tagay Dekedda ay halkaasi ku sugnaayeen.

jidle

https://www.youtube.com/watch?v=vxjV_9norY8
WARARKA MAANTA Diseembar 06, 2016
Su’aasha Maanta: Maxay Ummadda Soomaaliyeed ugu wareersan yihiin hoggaanka Ururka Damu-Jadiid ee argagixisadda la hawlgala? Maxay tahay sababta aan xildhibaanadda Maamulka Somaliland loogu soo dooran karin Hargaysa? Maxaase Ururka Damu-Jadiid ay ugu diideen xuquuqda Maamulada Awdal State, Khaatumo State and Uddubland State? Sida xaqiiqada ah Maamulka Somaliland ma soo dirsan ergadoodii ee maxay tahay musuqmaasuqa khiyaanada ah ee Muqdisho looga maleegayo Maamulka Somaliland?
 
Hargaysa Diseembar 06, 201 Maamulka Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada Soomaaliya gaar ahaan, mida ka socota Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
 
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto Ergada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee ka qeyb galaya Doorashada ka socota Magaalada Muqdisho.
 
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay Ergada ku sugan Magaalada Muqdisho ee ka qeyb galaya Doorashada in aysan iyaga metelin.
 
Waxa uu sheegay Ergada ka qeyb galeysa Doorashada ka socota Magaalada Muqdisho, marka ay ku soo laabtaan Magaalada Hargeysa in ay xiri doonaan, sidoo kalena talaabo ay ka qaadi doonaan.
 
Ugu dambeyntii Maxamed Muuse Diiriye Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay mowqifkii Somaliland in uusan waxba iska bedelin.
 
Laascaanood Diseembar 06, 2016 Waxaa magaalada laascaanood doraad galab maleeshiyaadka snm ku qabten xubno kamid ah gudiga abaaraha khaatumo oo kawaday laascaanood taa kulada dadka abaaraysan.
 
Labada xubnood ee snm qafaalatay gaar ahaan ay xidhen calooshood ushaqaystayaasha dhulbahante ayaa kala ahaa gudoomiye ku xigeenka gudiga abaarah khaatumo sheikh Cabdiraxmaan Xaaji Mahad iyo wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha khaatumo Cabdilaahi Jaamac Diiriye Cabdilaahi Isleged.
Mudo maalin iyo badh ah oo ay jeelka laascaanood ku jiren masuuliyiintan waxaa saaka helay xoriyadiisa sheikh Cabdiraxmaan Xaaji Mahad oo ahaa gudoomiye ku xigeenka gudiga abaaraha heer qaran ee khaatumo.
Muqdisho Diseembar 06, 2016 Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Ururka Midowga Africa iyo Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa raadinaya qorshe lagu doonayo in lagu helo Magdhaw laga siiyo Askarta waxyeelada ay ka soo gaarto howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya.
 
Kulan ballaaran oo soconayay mudo afar maalmood ah oo ay ka qayb galeen Madax ka tirsan Ururka Midowga Africa iyo Dalalka Ciidamada ugu deeqay Soomaaliya ayaa ka bilowday Magaalada Nairobi kaasoo si weyn loogu gorfeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan ee lagu heli karo Magdhawga Ciidamada AMISOM ee geeriyooda ama curyaamo inta ay ku jiraan Howlgalkooda Soomaaliya.
 
Mr Selidji Gbaguidi Madaxa qaybta Maaliyadda taageerta ee Midowga Africa ayaa sheegay inay sameynayaan Barnamij lagu helayo xuquuqda Ciidamada waxyeelada ay soo gaarto somaliya islamarkaana la raacayo Warbixin xaqiiqda ku saleysan.
 
“Haddii aan helno xog sax ah waxay noo fududeyneysaa in aan helo Magdhawga Ciidamada ku waxyeelooba Soomaaliya”sidaasi waxaa yiri mr Selidji oo ka tirsan waaxda maaliyada ee Ururka Midowga Africa ee Soomaaliya.
 
Adebayo Kariim oo ka tirsan Saraakiisha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo kulankaasi ka qayb galay ayaa tilmaamay in talaabadaasi ay tahay mid soo celineysa xuquuqda Ciidamadooda Soomaaliya oo uu xusay in ay hayaan shaqooyin adag.
 
Muqdisho Diseembar 06, 2016 Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Cadaado ka hadlayay ayaa sheegay in deegaanada maamulka Galmudug ay ka jiraan cadaalad daro iyo garsoor xumo u sabab maamulada is diidan eek a jira Galmudug.
 
Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha in caqabada ugu weyn ee garsoor xumida jirta ay tahay Al-shabaab oo deegaano dhowr ah ka jooga Galmudug,isagoona cadeeyay iney dadaal badan ku bixin doonaan sidii garsoor caadil ah loo heli.
 
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir oo Cadaado ka hadlayay ayaa sheegay in deegaanada maamulka Galmudug ay ka jiraan cadaalad daro iyo garsoor xumo u sabab maamulada is diidan eek a jira Galmudug.
 
Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha in caqabada ugu weyn ee garsoor xumida jirta ay tahay Al-shabaab oo deegaano dhowr ah ka jooga Galmudug,isagoona cadeeyay iney dadaal badan ku bixin doonaan sidii garsoor caadil ah loo heli.
 
Muqdisho Diseembar 06, 2016 Boqor Max’ed Jaamac oo ah Afhayeenka Odayaasha ka soo jeeda Somalilad oo la hadlay warbaahita ayaa sheegay iney jiraan caqabad hortaagan doorashada xubnaha aqalka sare ee Beelaha Dir-waqooyi,isagoona sheegay iney fara gelin ku hayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
 
Wuxuu sheegay Boqor Max’ed in la doonayo in xubno aan ka soo jeedin gobolada qaar ee si xoog ah ku boobaan kurasta qaar ee xubnaha qalka sare ee ka imaanya maamulka Soomaaliland.
 
Ugu danbeen Boqor maxamed Jaamac ayaa ka hadlay warqad ay ugudbiyeen madax ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ku aadaneed in doorashada xuabnaha kaladuwan ay ku dhacdo xarunta Xalane ee magalada Muqdisho.
 
Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ku raacay go’aanka ay soo jeediyaan Beelaha Dir Waqoyi in Doorashadooda lagu qabto Xarunta Taliska AMISOM ee Xalane oo amaankeeda si weyn loo adkeeyo.
 
Kismaayo Diseembar 06, 2016 Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubaland ay xoog u adeegsadeen Boqolaal Ruux oo ka soo horjeeday safarka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shacabka ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
 
“Dooni meyno Madaxweyne dhacay, dooni meyno Madaxweyne ogolaaday in ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka go’aan Soomaaliya inteeda kale”, sidaasi ayey ku dhawaaqayeen Shacabkan careysnaa.
 
Ciidamada Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa rasaas ku kala eryay Dadkaasi doonayay in ay dhigaan banaanbaxyo ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya.
 
Korneel Cabdi Nuur Jaamac Jookar oo ka mid ahaa Saraakiishii Dowladda Dhexe oo ku sugan Kismaayo ayaa waxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay talaabada Ciidamada Maamulka Jubaland.
 
war
 
 
 
 
 

WARARKA MAANTA Diseembar 03, 2016

Su’aasha Maanta: Maxaa ku dhacay jab khaa’imiintii Damu-Jadiid ee uu hoggaaminayey khaa’inul waddan Xassan Shiikh Maxamuud oo hantidii Ummadda Soomaaliyeed iyo dowladdiiba dhulka ku sii jeedaya? Uf #Damu-Jadiid iyo khayaanadooda!

Kismaayo Diseembar 03, 2016 Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ee uu xilka ka dhammaaday Mudane Cumar C/rashiid ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa Magaalada Kismaayo Kula kulmay Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka ee ka imaanaya deegaanada Jubbaland State.

Kulanka ooo muddo socday ayaa waxaa intiisa badan loogu hadlay arrimaha Siyaasada Dalka iyo howlaha doorashooyinka Dalka.

Ra’isal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid oo la hadlay Warbaahinta Kulanka ka dib ayaa sheegay in Xildhibaanada uu la kulmay uu ka hadlay sidii ay u taageeri lahaayeen codkana ay u siin lahaayeen.

Waxa uu sheegay in dalka uu u baahan yahay isbadal hogaamineed Afarta sano ee soo socota.

Muqdisho Diseembar 03, 2016 Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Abuukaate Cumar Dhageey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sanadkaan 2016 aysan dhaafi doonin doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ay diyaarsan yihiin qorshihii ay ku dhici lahayd doorashada Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana Xildhibaanada Baarlamaanka tiradii loogu baahnaa ay xaadir yihiin.

Waxa uu tilmaamay in ay ku dadaalayaan in ay dhameystiraan howlaha kale ee hada harsan kuna wareejinayaan dhameystirka howlaha doorashada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan dhici doonin in sanadka cusub ee 2017 ay gaarto doorashada Soomaaliya.

Siyaasiyiinta xil doonka ah ayaa walaac ka muujinaya in mar kale ay dib u dhici karto doorashada Madaxweynaha maadaama sida ay sheegeen aysan muuqan qorshe cad oo ay ku dhaceyso doorashada Madaxweynaha.

Ku dhawaad 200 oo xildhibaan ayaa ilaa hada la doortay, Waxaana kulankooda ugu horeeya uu dhacaya todobaadkan gudihiisa sida Maamulka Baarlamaanka Soomaaliya uu sheegay.

Muqdisho Diseembar 03, 2016 Ku Xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobay, ahna Xiriiriyaha Hawlaha Bini’aadannimo ee Dalka Soomaaliya, Peter de Clercq, ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaaraha baahsan ee haatan ka jira qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Xiriiriye Peter de Clercq, ayaa waxuu shaaca ka qaaday in abaaro xoogan ay ka jiraan Degaanada kala duwan ee hoostaga Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Mr. Peter de Clercq oo ka hadlayay Magaalada Nairobi ayaa waxuu u sheegay Beesha Caalamka in abaaraha ka jira Degaanada Soomaaliland iyo Puntland ay haatan ku fideen Koonfurta iyo Bartmaha Dalka Soomaaliya.
Waxuu cod dheer ku sheegay in Shacabku ay yihiin ku dhibaateysan, islamarkaana xaalada ay ka sii dareyso, loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaarahaasi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu qeexay in Shacabka aysan heysan Cuno iyo Biyo, waxuuna shaaciyay in helitaanka gargaar bini’aadannimo loo baahan yahay.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaarahan xoogan ay sababeen roobabkii loo baahnaa oo aan ka di’in degaanada hoostaga Maamulada Soomaaliland iyo Puntland.
Ugu dambeyn, qoraal dhawaan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyay %40 Shacabka Soomaaliyeed aysan heyn wax ay cunaan.

Washington DC Diseembar 03, 2016 Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa jabiyay siyaasad Mareykanka u degsaneyd tobannaan sano kaddib markii uu la hadlay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, iyadoo ay taasi horseedi karto khilaaf ballaaran oo diblumaasiyadeed oo uu Shiinaha la galo.

Kooxdiisa ku howlan sida ay xilka ula wareegi lahaayeen ayaa sheegay inay ka wada hadleen xiriirka dhaw ee dhaqaalaha iyo ammaanka ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Taiwan.
Mr Trump ayaa markii dambe waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in uu soo wacay Madaxweyne Tsai Ing-wen.
Shiinaha ayaa u arka Taiwan inay qeyb ka tahay dhulkiisa, tallaabakasta oo uu Mareykanka dhankaa u qaadana waxaa loo arki karaa inuu taageero u fidinayo madaxbanaanida Taiwan, taasi oo si weyn uga xumaan doonto Beijing.
Wadahadalka dhex maray Madaxweynaha la doortay Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hogaamiyayaal ajnabi ah.
Hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaa ay wax lug ah ku laheyd wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.
Mareykanka ayaa xiriirkii diblumaasiyadeed u jaray Taiwan sanadkii 1979 oo ku dhawaad 40 sano waxa uu qaatay waxa loogu yeero siyaasadda ‘Shiine hal qura ah’ – iyagoo Beijing u aqoonsaday inay tahay dowladda kaliya ee uu Shiinuhu leeyahay.

China Diseembar 03, 2016 Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa malaayiin dollar ku bixisay, dhismaha Markab u samaysan sidii Markabkii Ingiriiska ee boqol sano iyo dheeraad ka hor badweynta Pacific-ga ku qarqoomay ee Titanic, kaas oo masiibadii ugu waynayd wakhtigiisi ku noqday dunida gaar ahaana dalka Ingiriiska.

Shabelle Hoose Diseembar 03, 2016 Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa waxuu hadda ka socdaa inta u dhaxeysa Degaanada Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Dagaalkan uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo wada degga halkaasi.

Weli lama shaacin khasaaraha ka dhashay Dagaalkan maadaama uu weli Dagaalka halkaasi ka socdo.

Cadaado Diseembar 03, 2016 Siyaasiga Axmed Salaad Ow-Aadan oo Wareysi siiyay Warbaahinta asagoo ku sugan Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay Musuq Maasuqa Xadkiisa dhaafay ee ka jira Doorashada ka socota Magaalada Cadaado ee Xarunta Galmudug ee KMG ah. Siyaasiga Axmed Salaad Ow-Aadan ayaa sheegay in Galmudug ay ku Caan baxday Musuq Maasuq iyo wax isdaba marin islamarkaana Dadka Reer Galmudug ay ka Niyad Jabeen waxii ka soo baxay Doorashada Cadaado.

Ow-aadan sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud uu Doorashada Cadaado u Maamulanayosida waxa yaalla Gurigiisa oo kale islamarkaana uu iska dhaga tiray Baaqyada ka soo yeeraya Odayaasha Dhaqanka ee Reer Galmudug.

Waxaa uu intaa ku daray in C/kariin Guuleed Madaxweynaha Galmudug uu Wakiil uga yahay Musuq Maasuqa Doorashada oo Xasan uu u Wakiishay in Xildhibaanada uu rabo oo kaliya ay ku soo baxaan Doorashada Cadaado.

Puntland State Diseembar 03, 2016 Wararka ka imaanada Degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari iyo Degaanada ku Xeeran ayaa sheegaya in ay gaareen Ciidamo ka badan Kun Askari oo ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland.

Degmada Isku-shuban waxaa ku sugan Maleeshiyaad Daacad u ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan oo Magaalada Carmo ee isla Gobolka Bari ay Heshiis ku kala Saxiixdeen Dhawaan Madaxweynaha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas.

Dadka Degaanka ayaa sheegay in ay ka Cabsi qabaan in Dagaal halkaa uu ku dhexmaro Ciidamada Puntland ee gaaray iyo Kuwa Daacada u ah C/samad Gallan.

Saraakiil u hadlay Ciidanka Puntland ayaa sheegay in ay Weerar ku yihiin Magaalada Qandala oo ay Maamulaan Kooxda Daacish ee uu Hogaaminayo Sheekh C/qaadir Muumin.

WARARKA MAANTA Diseembar 01, 2016

Muqdisho Diseembar 01, 2016 War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha ayaa lagu amray ciidamada Nabad suggidda Qaranka ee NISA inay faraha kala baxaan ama ay joojiyaan faragelinta ay ku haayan doorashada dadban ee ka socota Gobollada dalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa si toos ah ugu socday Guddiga doorashada dadban, taliyeyaasha laamaha amaanka dowladda iyo ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Micheal Keating.

Qoraalka waxa uu ku eedeeyay Hey’adda Nabad suggidda Qaranka in 28-kii bishan ay Muqdishu ku xireen oday dhaqameed ka tirsan kuwa ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo ka tirsan Odayaasha 135-ka ah.

Cadaado Diseembar 01, 2016 Caasha Xaaji Cilmi, afada Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa si adag u weerartay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, ka dib markii la musuq maasuqay kursigii Jufada Gaabane ee Beesha Saleebaan, Habargidir, kaga soo aaday qoondada dumarka. Caasha Xaaji Cilmi, ayaan shalay Magaalada Cadaado uga qaybgelin tartanka kursigaasi, ka dib markii ay isu soo taaggeen musharaxiin rag ah, xilli sharcigu uu dhigaayo in kuraasta haweenka ay ku tartamaan haween oo keliya.

Muqdisho Diseembar 01, 2016 Gudoomiyihii hore gobolka badaadir tarsan ayaa si kulul uga hadlay doorashada soomaaliya oo la filaayay in ay bilaabato 30 bishii dhamaatay ee 11. https://www.youtube.com/watch?v=LrSISCdy6JI

Muqdisho Diseembar 01, 2016 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa wuxuu ka hadlay is qab qabsigii dhowaanahan u dhaxeeyay Shirkadda Caymiska ee Takaful iyo Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho.

Shirkada ceymiska ee Takaful ayaa Gaadiidleyda Magaalada Muqdisho waxa ay ku amartay in ay bixiyan lacago caymis ah oo aan sharci ahayn, iyadoo arintaasna ay ka soo horjeesteen Gaadiidleyda.

Waxa uu sheegay arrimaha ceymiska in ay masuul ka tahay Wasaaradda Maaliyadda, waxaana uu sheegay in aysan jirin wax ogolaansho ah oo Takaful ay ka heysatay Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa waxa uu sheegay in ay aad uga xun yihiin wax shacabweynaha aysan raali ka aheyn in lagu qasbo, sidoo kalena sharci aan ku dhisneyn.

P-un-tland State- Diseembar 01, 2016 Madaxweynihii hore ee Puntland iminkana ah Xubin ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Cabdiraxmaan Maxamud Faroole ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Golaha1960 isagoona ka hadlay arimo badan oo Xasaasi.

Muqdisho Diseembar 01, 2016 Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Sweden, haweenayda lagu magacaabo Asa Romso ayaa waxay maanta booqatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Asa Romso ayaa waxa ay qaasatan booqatay xarunta dabdamiska Gobolka Banaadir iyo Xarun ay ku xareysan yihiin dhalinyarada Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane, oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in balan qaad wanaagsan ay u sameysay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Sweden dhalinyaradii ay kula hadashay xarunytaasi.

Waxana ay sheegtay in dhalinyarada ay door ku leeyihiin nabadda iyo isdhexgalka bulshada, islamarkaana loo baahan yahay in la sii dhiirageliyo.

Jowhae Diseembar 01, 2016 Madaxa AMISOM oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in uu soo gaarsiiyay qoraal uu ka siday madaxda AMISOM kaasoo loogu hambalyeynayo qaabka ay u socdaan doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qaabka ay u socoto doorashada Aqalka Hoose gaar ahaan in 11 kursi oo ay lahaayeen dumarka 9 kamid ah la buuxiyay,waxaan ka rajeyneynaa in doorashada ay ku soo dhamaato wanaag.”ayuu yiri Madeira.

Sidoo kale waxa uu sheegay in AMISOM ay diyaar u tahay in dowlad goboleedka Hirshabeele aan ka taageerno sidii loo horumarin lahaa ammaanka iyo weliba sidii dayactir loogu sameyn lahaa kaabayaasha dhaqaale sida wadooyinka si ay beeralayda si sahlan ugu geysan lahayd suuqyada wax soo saarkooda.

 C/qaadir Cabdulle Xooshow

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle C/qaadir Cabdulle Xooshow oo saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay AMISOM ay bilaabi doonto dhismaha qaar ka mid ah wadooyinka Hirshabelle iyo weliba horumarinta beeraha.

“Waxa ay AMISOM ballanqaaday in ay gacan ka geysanayso dayactirka 87 km oo kamid ah wadooyinka Hirshabeelle isla markaana gacan weyn ka geysato sidii looga saari lahaa Alshababa deegaanada ay weli maamulaan ee Hirshabeele”ayuu yiri Ambassador Xooshow.

Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM Ayaa xiligan Jowhar u jooga Sugida Amniga Doorashada aqalka Hoose ee Baarlamanka Somaliya

Muqdisho Diseembar 01, 2016 Bandhiggaan ay ciidammada Booliisku sameeyaan toddobaad walba ujeedadiisu waa in dhiiragelin, tallo bixin iyo isla-xisaabtanka ciidanka uu sameeyo hoggaanka sare ee ciidanka, waxaana lagu qabtaa xarunta tababarrada Booliiska ee Jeneraal Kaahiye, iyadoo ciidammo dhallinyaro soo dhammeysatay dugsiyada sare oo qaatay tababarro ay soo bandhiggeen Dhoola-tus qurux badan, sida Gaadda ka cayaar iyo sawir muujinaya qaab dhismeedka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyadoo kooxda Fanaanniinta ee Heeganna ay soo bandhigeen Heeso waxqabadka Booliiska ka hadlaya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Fargeeti oo uu wehliyey xidhibaan Muuse Suudi (Yalaxoow) ayaana ka mid ahaa daawadeyaasha bandhigga, waxaa sidoo kale joogey bandhigga dhammaan taliyeyaasha hoggaannada iyo qeybaha Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye ku xigeenka Akadeemiyada Booliiska Soomaaliyeed G/sare Muqtaar Gaaboow Xasan, ayaa sheegay in ciidammada Akadeemiyada ku sugan ay yihiin dhallinyaro waxbaratay, isla markaana diyaar u ah in ay u tababartaan sidii ay ugu adeeggi lahaayeen bulshadooda, dugsigaanna uu yahay midka kaliyah ee soo saara ciidan u carbiyeysan gudashada waajibaadka Qaran iyo sharuucda dalka.

Xildhibaan Muuse Suudi oo ka mid ah Aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku ammaanay hoggaanka ciidanka Booliiska isbaddelka weyn ee uu ku sameeyey dhismaha iyo tayada ciidanka, waxa uu ku yaboohay hal neef Geel ah oo lagu dhiiragelinayo ciidanka ku sugan Akadeemiyada Booliiska.

“ciidammada Booliska Sawirka aan ka heystay wax ka qurux badan ayaan halkaan ku arkay, waxaan ku ilaaway xitaa culeyska masuuliaydda i saaran, sidaa daraadeed waxaan ku yaboohayaa Laba Neef oo Geel ah iyo lacag loogu talo-galay Kooxda Fanka ee Heegan, sidoo kale miisaaniyadda sannadka soo socda ee 2017-ka waxaa lagu dari doonaa ciidammada cusub ee Booliiska ku soo biiray, sanandkaan waxaan bilownay in mushaaraaxdka lagu bixiyo darajada ciidanka uu ku kala sarreeyo iyo Nidaam Electonic casri ah in lacagahooda lagu siiyo” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Taliyaha ciidammada Booliiska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo bandhiggaan toddobaad walba ka qeyb-gala, ayaa sheegay in ciidammada Booliiska looga baahan yahay in ay tusaan bulshadooda si